Faah-faahin:-Ganacsade Caan ahaa oo Lagu Dilay Magaalada kismaayo

0

Ala Ha U naxariitee waxaa xalay magaalada kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Maamulka Jubba-land lagu dilay Nin Ganacsade ahaa oo si weyn loogu yaqaanay Magaaladaas, waxaa lagu magacaabi jirey Muqtaar Cabdi Aflow.

Afhayeenka Ciidamada Dowladda Soomaliya ee Gobolada Jubooyinka C/rashiid Macalin Gaas,  oo la Hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ninka Ganacsade ahaa si weyn loogu yaqaanay magaalada Islamarkaana ay dileen rag hubeysan oo ilaa haatan aan la garanaynin waxa ay ahayeen, isagoo tilmaamay in rasaas ooda ay kaga qaadeen.

Dhanka kale warar soo baxaya ayaa ku waramaya in Ciidamada maamulka jubba-land ay ka dambeeyeen dilka lagu qaarijiyay Ganacsade Muqtaar Cabdi Aflow.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here