Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa ku waramaya in rag hubeysan ay Caawa weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen Ciidamada amaanka maamulka Puntland.
Inta la xaqiijiyay 2-askari oo ka tirsanaa Ciidamada Puntland ayaa weerar lagu dilay sida uu inoo xaqiijiyay mid kamid ah dadka deegaanka Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.
Kooxda hubeysan ayaa la xaqiijiyay in weerar ay ku ekeeyeen kaliyaha xarunta ay ku sugnaayeen Ciidamada amaanka Maamulka Puntland oo ku taala afafka Hore ee Suuqa Magaalada boosaaso e Gobolka bari.
Weerar kadib waxaa goobta gaaray Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Puntland oo baaritaano sameeyay, si dhab ah looma oga shaqsiyaadkii ka dambeeyay falkaan caawa ka dhacay Magaalada Boosaaso.

