Gudoomiye Jawaari oo Ka Hadlay Waxyaalaha Caqabada Ku ah Doorashada Madaxweynaha+Dhageyso

0

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari  oo maanta la kulmay Xubnaha Guddiga Hergalinta Federaalka doorashooyinka dadban ayaa ka dalbaday in si deg deg ah loosoo dhameystiro xubnaha aqalka Sare ee dhiman.

“Waxaan idin ka codsanayaa in si deg deg ah loosoo soo dhameystiro 14-kursi ee ka  dhiman xubnaha aqalka Sare, qoshe cad, waqti yeysan, dhiiro leh aad u fulisaan aadna usoo dhameystirtaan, runtii caqabad ayay noqon doontaa hadii aan lasoo dhameystirin xubnaha ka dhiman aqalka Sare ee Gobolada Woqooyi Somali-land,  doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaliya  xitaa caqabad ayay ku noqon doontaa”,ayuu yiri Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari.

Sidoo kale   Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya Mudane Maxamed Shiikh Cusmaan (Jawaari)   ayaa ugu baaqay odoyaal dhaqameedyada kasoo jeeda Gobolada Woqooyi Somali-land, in ay go’aan qaateen islamarkaan ay la shaqeeyaan Guddiga Hergalinta Federaalka doorashooyinka Dadban si loosoo dhameystiro xubnaha dhiman.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here