Wararka laga helayo Xarunta UNDP ee Qaramada Midoobay ay ka degan tahay Magaalada Muqdisho, ayaa ku waramaya in qarax gaari lagu xiray in uu ka dhacay ilinka hore ee xarunta oo ku taala meel ku dhow garoonka diyaaraha aadan cadde.
Gaarigaan ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa lagu xareeyay Garaash ku yaalla Isgoyska KM4 waxaana laga soo bixiyay saaka Garaashkaasi, iyadoo ciidamada ay soo raaceen, waxaa la geeyay xarunta UNDP ee ku taalla wadada aada Garoonka Aadan Cadde ayaa halkaasi waxaa ka degay ciidanka, gaariga ayaa waxaa lagu xareyay Garaash yar oo ku dhex yaalla isla xarunta.
Gaariga qarxay oo noociisa uu yahay kuwa soomalida ay u taqaano Toyota Hilux ayaa la xaqiijiyay in uu qarxay muddo kadib markii lagu xareeyay Garaashka yar oo ku dhex yaalla xarunta UNDP ee Qaramada Midoobay.
Afar Askari oo ka mid aheyd ciidamada ilaaliya Garaashka ayaa halkaasi ku dhaawacantay, kuwaasi oo ah ciidan Somali, sida uu xaqiijiyay taliyaha Ciidamada Booliska gobolka banaadir Bishaar Axmed Geedi oo warbaahinta la hadlay.
Dhanka kale Ilaa hada ma cadda in Gaarigaan qaraxa lagula soo xiray Garaashkii laga soo bixiyay saakayy ee ku yaalo meel ku dhow Isgoyska KM4 iyo in qaraxa lagula xiray Garaashka yar ee xarunta UNDP ku dhex yaalla.

