Saraakiil Ka Tirsan Al-shabaab oo Lagu Dilay Dagaal Ka Dhacay Gobolka Bakool

0

Wararka ka imaanaya deegaanka Mooro-gaabey oo ku dhow degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa ku waramaya in dagaal u dhaxeeyay Ciidamada maamulka koonfur Galbeed Soomaliya iyo kuwa Al-shabaab in uu halkaas ka dhacay.

Dagaal ka dhacay deegaanka Mooro-gaabey  ayaa la xaqiijiyay in la isku adeegsaday hubka noocydiisa kala duwan, iyadoo dagaalka ay qaadeen dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab oo wali sameyn ku leh Gobolada Baay iyo Bakool ee Maamulka koonfur Galbeed Soomaliya.

Saraakiil ka Tirsan Ciidmada Koonfur Galbeed Soomaliya oo la Hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in saraakiil ka Tirsan Xarakada Al-shabaab dagaalka lagu dilay, islamarkaana  lasoo bandhigi doono meydadkooda iyo magacyadooda intuba,

Maamulka Shabaab ee Gobolada Baay iyo bakool  wali kama aysan hadlin  dagaalkaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here