Wasaaradda Arimaha gudaha dalka Bulgaria ayaa sheegtay in ay heleen haweeneey Soomaaliyeed taa oo ku geeriyootay xadka dalkaasi xili ay ka talaabayeen iyada iyo koox tahriibayaal ah oo la socday.
Booliiska ayaa sheegay in ay qabteen 31 muhaajiriin sharci darro ah kuwaa oo watay documnetiyo aan sharci yeeysneen , waxaana qaar kamid ah ay sheegeen in ay waayeen haweeneey la socotay xiligii socdaalkooda ay ku guda jireen.
Inta badan muhaajiriinta ayaa la sheegay in ay ka yimaadeen dalka afganistan, saddex ka soo jeeda Pakistan iyo waliba saadex qofood oo ah muwaadiniin Soomaaliyeed.
Booliiska ayaa ku sheegay baaritaano hor dhac ah ay sameeyeen in haweyneedan Soomaaliyeed ay u dhimatay cimilada halkaas oo aheyd mid aad u qaboow iyaga oo sheegay in baaritaanada wali ay wadaan.
Labo kamid ah kooxahan muhaajiriinta ayaa sheegay in isbitaalka ay u kaxeeyeen dhalinyaro Soomaaliyeed kuwaa oo qaar kamid ah xubnaha jirkooda uu aad u qaboobay.

