Rajab dayib Ordegan oo ka hadlaye marxaladihii siyaasadeed ee sanadkaani 2016-ka ee maal-maha qura ee naga xigaan.
Madaxweynaha Turkiga ayaa si weyn kaga hadlay marxaladda Siyaasadeed iyo isbadalada dhanka amniga ah ee ka jira wadamo ay ku jirto Soomaaliya.
Rajab Dayib Ordogen ayaa intaasi kusii diray in sanadkaani uu la kulmay 37-madaxweyne waxa uuna sheegay in uu si weyn ugu muhiimsanaa madaxweynaha Soomaaliya maadaama Dowladda Soomaaliya ay safaarad weyn siisay.
Ordogen ayaa yiri “Sinaba uma hilmaami doono Walaalaheen Soomaaliyeed maadaama uu naga dhexeeyo xiriir aad u wanaagsan oo sii qoto dheeraanaya, Waan balan qaaday in aan sii kordhin doono wax waliba oo sii siyaadin karo xiriirka dhan waliba ka dhisan ee nagala dhaxeeyo Soomaaliya” ayuu yiri.
Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in wadamadaani ay si toos ah u taabanayaan xaaladda xiriirka afrika uu la wadaago kuwaa oo kala ah: Soomaaliya, Jabuuti, Ivery Coast, Ghana, Nigeria, Kenya iyo Uganda.
Ugu dambeyn madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordogen ayaa rajo ka muujiyey in sanadka soo socda uu markale socdaal ku imaado Gudaha Soomaaliya isagoona ugu hambalyeeyey arimaha Doorasho iyo Geedi socodka Siyaasadeed ee ka socda Soomaaliya.
Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordogen ayaa soomaaliya imaaday labo jeer waana sanadadii 2011-kii iyo 2016-ka xiligaasi oo dalka ay ka kala ariminayeen dowladda kala duwan.

