Wararka haatan naga soo gaaraya Ex kontorool Afgooye, ayaa ku waramaya in Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliyeed ee (NISA) ay gacanta ku dhigeen goordhaweyd gaari ay ku xiran yihiin Walxaha Qarxa.
Ciidamada ayaa la sheegay in Saacadihii dambe ay gaarigaan iyo mid kale oo haatan la sheegay in lagu raad joogo ay baadi goobayeen, sida ay sheegeen Saraakiil ka Tirsan Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed ee NISA.

