Faadumo Dayib oo mar isku dayday in ay Noqoto Madaxweynaha Soomaliya kadib markii ay ku dhawaaqday Musharaxnimadeeda ayaa sheegtay in ay ka tanasushay islamarkaana ay go’aansatay in ay u adeegto dalka iyadoo matalayso Hay’adda la-dagaalanka musuqmaasuqa ka dib markii ay ka baxday tartanka.
Faadumo Dayib oo 44-sano jir ah ayaa ku dhawaaqday dhawaan inay ka baxday tartanka madaxtinimada Soomaliya taas oo ay ku eedeeysay “musuqmaasuqa iyo isdabamarinta” ka dhacaysa dalka Soomaaliya waxayna tiri “Ma doonayo inaan sharciyeeyo wax aan dastuuri ahayn.
“kuwa sida aadka loo maalgaliyay oo ay ula jeedo ” Madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha dalka inay ku mashquulsanyihiin sidii ay ugu shuban lahaayeen iyagoo isticmaalayo dhaqaalaha dawlada iyo qalabka si ay u maal galiyaan ololaha iyaga u gaar ah”, ayay tiri Faadumo Dayib
Dhanka kale waxa ay cambaareeysay 18 ka kursi ee dheeraadka ah ee lagu daray Golaha Sare ee Baarlamaanka Federaalka waxayna sheegtay in aysan aheyn mid dastuurka waafaqsaneen, islamarkaana dad gaar ah ay ku tumanayaan sharafta Soomaliya.
Waxay sharaxaad ka bixisay in isku daygeedii inay u tartanto xilka ugu sareeya dalka inkastoo nidaamka qabiilka ku salaysan, uu oo soo socday tan iyo 1990 ay sabab u ahayd inay tanaasusho islamarkaana ay sugi doonto doorasho dimuqraadi ah ee 2020.
“Laakiin waxa aan ku arkay dhulka hooyo waa mid khilaafsan dastuurka.habkan ma noqonayo marmarsiiyo ugu danbayn waxay keeni kartaa khilaaf cusub, “ayay ka digtay, iyadoo intaa ku dartay” in dadka qaar ay ku iibsanayaan kuraasta xubnaha golaha maamulka, $ 1.3 million iyo kuwa kale diyaar u ah inay bixiyaan nus million in ay galaan siyaasadda “.

