Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaliya oo Maanta Ka Dhacday Muqdisho+Sawirro 

0

Doorashada Xubnaha aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaliya  ee ka imaanaya deeganada Gobolada Woqooyi ee Maamulka Somali-land ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya.

Afarta kursi ee maanta la doortay ayaa labo ka mid ah ay ahaayeen Haween, halka labada kalena ay ahaayeen Rag, sidoo kale labo xildhibaan ayaa ku cusbaa.

Qaabka loogu guuleystay Doorashada.

Kursiga Beesha Sacad Muuse, Jilibka Cabdalla Obokor ayaa waxaa 38 cod ku guuleysatay Sahra Yuusuf Cige.

Kurisga Labaad waxaa ku guuleysatay Faadumo Odawaa Raagge oo kasoo jeeda Beesha Ciise Muuse, gaar ahana jilibka Aadan Ciise, waxa ay heshay codod gaaraya 47-cod.

Kursiga seddexaad waxaa ku guuleystay C/raxmaan Iidaan Yoonis, waxaana kursigan ku tartamay afar musharax oo mid ay aheyd haweeney, wuxuu helay  36-cod, waxa uuna baarlamanka Soomaliya ku matalayaa Kursiga Beesha Sacad Muuse, gaar ahaan jilibka Makaahiil.

Cabdalla Xaaji Cali ayaa 31 cod ku guuleystay Kursiga Beesha Ciise Muuse, gaar ahaan Jilibka Maxamed Ciise.

Doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee Gobolada Waqooyi ayaa heer gabo gabo ah maraya, waxaana illaa iyo hada la doortay 33 Xildhibaan, halka 13 ay harsan yihiin.

somaliland1-768x576 somaliland3-768x576 somaliland4-768x576 somaliland5-768x576 somaliland6-768x576 somaliland7-768x576 somaliland8-768x576 somaliland9-768x576 somaliland-768x576-1

somaliland-768x576-1

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here