Muwaadin Soomaaliyeed oo Lagu Eedeeyay Afduubka Labo Wariye oo Lagu Maxkamadeynayo Dalka Canada

0

Muwaadin soomaaliyeed oo lagu eedeeyay afduubka labo wariye ayaa wajahaya in maxkamad la soo taago  islamarkaana lagu xukumo dalka canada  bisha October sanadka 2017-ka.

Ninka soomaaliga ah ee lagu eedeeyay in uu wax afduubtay ayaa lagu sheegay magaciisa Cali Cumar adeer.

Cali Cumar  adeer ayaa la sheegay in uu afduubtay Amanda lindhout oo ah wariye u dhalatay dalka Canada iyo sawir qaade Australian ah oo lagu magacaabo Nigel brennan oo kooxo hubeysan ay ku afduubteen duleedka magaalada Mogadishu bishii August sanadii 2008-dii iyada oo xoriyadooda dib  loo siiyay 25-kii Nov 2009-kii  kadib lacago madax furasho ah oo laga qaaday.

Cali adeer oo ah muwaadin soomaaliyeed ayaa wajahaya fal-dambiyeed ah in uu madax furasho ahaan u heystay labo wariye kadib markii uu qirtay in uu isagu dhax-dhaxaad uu ka ahaa  dambigaasi sida uu sheegay qareenkiisa.

Bishii june sanadii 2015-kii  RCMP oo ah ciidamda gaarka ah ee dalka Canada u qaabilsan xuduudaha ayaa gacanta ku dhigay islamarkaana xabsiga u taxaabay Cali adeer iyada oo ciidamada qaranka ee dalka Canada aysan ka warbixin qaabka uu ku soo gaaray dalka Canada.

Samir adam oo ah qareenka u doodaya Cali adeer ayaa diiday in uu ka hadlo kiiskan oo ah shaqsiga u doodayo adeer.

Amanda lindhout oo ah 35 jir ayaa daabacday xusuusteedii ku aadaneyd 460 maalin oo ku saabsan xaaladeeda sida ay aheyd  xiligii loo heystay afduub ahaan iyada oo lagu wado in ay qeyb kamid ah sheekadeeda ku soo bandhigto aflaanta Hollywood-ka ee dalka mareekanka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here