Waxaa magaalada Muqdisho ka soconayo dhaq dhaqaaq logu diyaar garoobay doorashada xubnaha aqalka sare ee gobolada waqooyi oo lagu qabanayo magaalada Muqdisho.
Dhawaan Guddiga dooranshooyinka Dadban ee Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in maanta iyo berri ay xareyn doonaan ergadii dooran lahayd xubnaha Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi.
Maalinka sabtiga ee inagu soo fooda leh ayaa si rasmi ah waxaa magaalada muqdisho kaga bilaabanayo doorashada xubnaha aqalka sare ee Baarlamaanka soomaaliya iyadoona la dooran doono ilaa iyo 6 Xubnood oo ka mid noqon doono Xildhibaanda Aqalka Sare ee Soomaaliya.

