Waxaa goordhow magaalada Garowe ee xarunta Maamulka puntladn waxaa ka furmay shir loga hadlayod eeqaha Midowga Yurub uu siiyo soomaaliya iyo sida loo maareyn lahaa.
Shirka waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka kala socota maamul goboleedyada dalka ka jira iyo wafdi uu hogaaminayo Wasiir ku Xigeenka Qorsheynta Soomaaliya.
Wasiir ku xigeenka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya C/laahi Shiikh Cali Qaloocow oo shirka daah furay ayaa sheegay in muhiimada shirka ay tahay in lagu gorfeeyo islamaarkana la isla meel dhigo sida si siman uu dhaqaalaha uu bixiyo midowga Yurub u gaari karo soomaaliya.





