Waxaa Maanta Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya ay xukun Xabsi daa’in ah ku ridday Lix oqf oo ay maxkamadu sheegtay in ay ka tirsanaayeen als habaab.
Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa u sheegay in Ragaan la xakumay ay ka mid ahaayeen Maleeshiyaad Al-Shabaab ah oo weeraray deegaanada Galmudug.
Ragga la xukamay ayaa la sheegay in dhawaan ay ciidamada galmudug ku qabteen deeganadooda kadib marki ay dagaal la galeen ciidamada galmudug.
Maamulka galmudug ayaa ragaan dhawaan ku wareejiyay Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee soomaaliya.

