War kasoo baxay Xarakada Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Ciidamada Shabaab ay gacanta ku dhigeen askari ka Tirsan Ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa Uganda kadib howlgal laga fuliyay Gobolka Shabeelaha Hoose.
Shabaab ma aysan sheegin sida ay ugu suurta gashay in ay gacanta ugu dhigaan askariga ka tirsan Ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa dowladda Uganda, madaama Gobolka Shabeelaha Hoose ay ku kala sugan yihiin shabaab iyo dowladda, Amisom.
Warka kasoo baxay Xarakada Al-shabaab ayaa lagu sheegay sidoo kale in askariga la qabtay uu watay qoriga loo yaqaano AK47 ah iyo afar qasnadood oo buuxa, sidoo kale uu watay xabad nooca ka dhacda Qoriga sabanka loo yaqaano, Islamarkaana uusan sameenin wax iska caabin ah xiligii la qabanayay.

