Agaasimihii Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Boosaaso oo La Dilay

0

Kooxo  hubeysan ayaa galabta Magaalada Boosaaso ee Goboka Bari  waxa ay ku dileen agaasimihii madaxtooyada Puntland ee magaalada Bosaso, Aadan Gaas Haruuse.

Marxuumka ayaa lagu dilay meel ku dhow hotelka Haruuse magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland.

War kasoo baxay Al-shabaab oo caawa laga baahiyay idaacada andulus ayaa  lagu sheegay in dagalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab ay fuliyeen weerarkii lagu qaarijiyay agaasimihii madaxtooyada Puntland ee magaalada Bosaaso, Ala Ha U Naxariistee Aadan Gaas Haruuse.

Waa dilkii labaad ee lix maalmood gudahood ka dhaca magaaladda Bosaaso ee Gobolka Bari, iyadoo maalintii khamiistii ee toddobaadkii hore rag hubaysan ay ku dileen boosaaso taliye kuxigeenka Booliiska Puntland Jamaac Saxardiid.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here