Ciidamada Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka dowlada soomaliya ayaa Howlgalo ka sameeyay Duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan Garas-baalley, km’13 iyo xaafado kamid ah Deeganada dhaca duleedka Magaalada Muqdisho
Ciidamada Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ayaa mid mid u Baarayay Guryaha ku Yaala Garas-baalley, km’13 ee Duleedka Magaalada Muqdisho oo Howlgalada inta badan laga sameeyay
Waxaa Hakad Galay dhaqdhaqaaqa deeganada ay ka socdeen Howgalada waxaa Haatan la sheegayaa in ay dib usoo Laabteen isku socodka gaadiidka dadka iyo Dadweynaha Deeganada dhaca duleedka Magaalada Muqdisho
Marar badan waxaa Laga sameeyay deeganada Duleedka Magaalada Muqdisho Howlgalo waxaa inta badan lagu soo qabqabtay dad Rayid ah oo lagu Tuhmaayo in ay ka Tirsan Yihiin al-shabaab ama ay qeyb ka Yihiin Falal amni Daro
Halkaan ka dhageyso codka afahayeenka Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Maxamed Yuusuf

