Waxaa maanta qorshaha uu yahay in la dhaariyo xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka soomaaliya kuwaas oo dhawaan la soo doortay.
Dhaqdhaqaaq guud ayaa ka soconayo xarunta villa Hargeysa oo uu yahay qorshaha in xildhibaanada lagu dhaariyo iyadonaa halka uu tegayo maanta gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Dalka.
Dhawaan Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaran ayaa shir ay Muqdisho ku yeesheen waxa ay ku go’aamiyeen in 15-ka Bishan oo maanta ah ay dhici doonto dhaarinta xildhibaanada Baaralaamanka 10-aad.
Waxaa suura gal noqon karto dib u dhac uu ku yimaado dhaarinta xildhibaanada labada aqal madama weli uu jiro is jiijiitan siyaasadeed.
Radio Simba

