
Maxkamadd ku taala dalka Talyaaniga ayaa xabsiga 18-sano ah ku riday Muwaadin u dhashay dalka Tunusia oo lagu eedeeyay doorkii uu kulahaa dhimashada 700 oo qof oo tahriibeyaal ahaa.
Mohammed Ali Malek, oo 28-sano ah islamarkaana u dhashay dalka Tunusia ayaa xabsi 18-ah lagu riday kadib markii lagu cadeeyay in uu ku lug lahaa dhimasha 700 oo qof oo tahriibeyaal ahaa, kuwaasi oo lala gadiyay doontii ay la socdeen bishii April ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2015.
Sidoo kale maxkamaddu waxay 5 sano oo xarig ah ku riday kaaliyihiisii oo lagu magacaabo Mahmud Bikhit ,oo la sheegay inuu u dhashay dalka Syria.
Labada nin ayaa waxaa lagu ganaaxay sidoo kale lacag dhan 9-Million oo euros ($9.5 million) laakin qareenka u doodaya labada shaqsi oo lagu magacaabo Massimo Ferrante ayaa sheegay in racfaan ay ka qaadan doonaan.
“Waxaan ka fikiraynaa sidii aan racfaan ugu qaadan laheyn xukunka, waxaan nahay dad isdifaaci kara rajadeena waa mid aad u wanaagsan oo ku aadan in racfaan ka qaado xukunada”, ayuu yiri Qareen Massimo Ferrante.
