Faroole:-“In aan Ka Tanasulayo Musharaxnimadeeda Madaxweynaha Soomaaliya Waa Been Abuur’,

0

Madaxweynihii Hore ee Maamulka Puntland haatan ah senator ka tirsan aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaliya C/raxmaan Shiikh Maxamed(Faroole)   ayaa beeniyay warar todobaadkaan la baahiyay oo ku aadanaa in uu ka tanasulayo mushaxnimadiisa Madaxweynaha Soomaliya.

Mudane C/raxmaan Shiikh Maxamed(Faroole) madaxweynihii Hore ee Maamulka Puntland ayaa tilmaamay in kulankii dhawaan ka dhacay hoyga uu ka dagan yahay magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland, islamarkaana ahaa afar geesoodka uu ahaa mid loogu hadlayay arrimo u gaar ah Puntland.

“Wararka ay Warbaahinta qortay ee ku aadan in aan ka tanasulayo musharaxnimadeeda madaxweynaha Soomaliya, waa waxba kama jiraan, kaliyah kulanka ka dhacay Magaalada  Garoowe waxaa loogu hadlayay arrimo u gaar ah maamulka Puntland”, ayuu yiri C/raxmaan Faroole.

Kulan dhawaan ka dhacay Magaalada Garoowe ayna ka qeyb galeen Raisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke, Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali, Xildhibaan Cabdirasaaq Cismaan Xasan (Prof Juuriile), iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa la  tilmaamay in loogu hadlay sidii la isugu soo dhawayn lahaa Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya  iyo Cabdiraxmaan Faroole Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland oo labaduba u sharaxan xilka Madaxweynaha Soomaaliya Islamarkaana mudooyinkii dambe laga dareemayay kala fogaansho siyaasadeed oo ka dhex jirtay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here