Antonio Guterres Raisulwasaarihii Hore ee dalka Portugal sidoo kalana soo noqday wasiirka arrimaha Dibada dalkaas ayaa maanta oo Talaado ah loo dhaariyay xilka xoghayaha guud ee Qaramada midoobay.
Guterres Xoghayaha Guud ee qaramada Midoobay ayaa noqonaya ninkii sagaalaad ee loo doorto xoghayaha guud ee qaramada midoobay isagoona ballan qaaday in shaqsi ahaan uu ka shaqeen doono nabadda iyo xallinta khilaafyada.
Antonio Guterres Raisulwasaarihii Hore ee dalka Portugal oo haatan ah 67-sano jir ayaa badali doona ninka kasoo jeeda wadanka aSouth Korea koowda bisha Jan.
Bankimoon ayaa xilka ka degi doona dhamaadka sanadkaan 2016-kadib markii laba jeer oo min shan sanno ah uu xilka soo hayay.
Liiska Sida Loosoo Kala Qabtay Xilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.
| Trygve Halvdan Lie | Norwegian | 1946–53 |
| Dag Hammarskjöld | Swedish | 1953–61 |
| U Thant
|
Burmese | 1962–71 |
| Kurt Waldheim | Austrian | 1972–81 |
| Javier Pérez de Cuéllar | Peruvian | 1982–91 |
| Boutros Boutros-Ghali | Egyptian | 1992–96 |
| Kofi Annan | Ghanaian | 1997–2006 |
| Ban Ki-Moon | South Korean | 2007–2017 |

