Haweeney La Dilay Kadibna La Qariyay Meydkeeda oo La Helay

0

Ciidamada amaanka Degmada Gabiley ee Maamulka Somali-land ayaa helay meydka Haweeney la dilay kadibna la qariyay muddo haatan laga joogo shan cisho.

Haweenaydaan ayaa meydkeeda lagu dul qariyay caleenta xoolaha la siiyo dhexdooda, waxaana Booliska ay raadinayeen muddo shan cisho ah, waxayna dhacdaan ay ka dhacday miyiga Wajaale.

Taliyaha Booliska Degmada Gabiley Cabdi Muuse, ee Somali-land  ayaa Saxaafadda u sheegay Booliska inay heleen meydka Haweenaydaasi oo la tuhmaayo ninkeda inuu dilay, waxaana uu sheegay in sidoo kale gacanta lagu haayo eedeysanaha lagu tuhmaayo dilkaas.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here