Labo Odey Dhaqameed oo Ka Qeyb Galay Doorashadii Ka Dhaday Cadaado oo La Dilay

0

Wararka ka imaanaya Degmada Xarardheere ee Gobolka  Mudug ayaa ku waramaya in dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ee ka arimiya halkaas ay dileen Labo odey dhaqameed.

Labada odey dhaqameed oo lagu dilay Tuulooyin hoos yimaada  Degmada Xarardheere ayaa ka tagay degmada Cadaado ee Caasimada KMG ee maamulka Galmudug, waxayna  ka qeyb galeen doorashadii aqalka Hoose ee ka dhacday degmadaas, mid kamid ah odoyaasha la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Xasan Maxamed Nuur.

Ilaa haatan ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada dilka loo geystay labada odey dhamameed ee lagu dilay tuulooyin hoos yimaada degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, sidoo kale Galmudug kama aysan hadlin.

Dhowr odey dhaqameed oo ka qeyb galay doorashooyinkii ka dhacay Xarumaha Maamul Goboleedyada ayaa la dilay, qaarna waa la dhaawacay, kadib markii ay kasoo laabteen goobaha doorashada.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here