Wararka naga soo Gaaraya Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in kooxo Hubeysan ay gudaha degmadaas ay ku dhaawaceen mid kamid ahaa Ergadii kasoo laabatay Magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hir-shabeelle.
Cabdi Maxamuud Siyaad oo kasoo laabtay Degmada Jowhar islamarkaana kamid ahaa ergadii doorashada Maamulkaas ayaa la dhaawacay xili uu ku sugnaa gudaha degmadaas, sida idaacadda simba ay u sheegeen dad goo-joogayaal ahaa.
Waxaa la xaqiijiyay in Cabdi Maxamuud Siyaad uu soo gaaray dhaawac islamarkaana loola cararay mid kamid ah isbitaalada Magaalada Muqdisho.
Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada weerar lagu qaaday mas’uulkaas, iyadoo maalmihii dambe ay jireen beegsiga lagu hayay ergada kasoo laabanaysa xarumaha maamul Goboleedyada dalka xiligaan ka jira.

