Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali maxamed Cali (Gaas) oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Garoowe eee caasimada Maamulka Puntlnd ayaa ka hadlay arrimo dhowr oo ku saabsan xaaladda Soomaliya iyo safaradii uu ku tagay dalalka Shiinaha iyo Kenya.
Ugu horeyntii Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa go’aan qaldan ku tilmaamay sida Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland Eng C/xakiin Xaaji Cumar (Camey) iyo Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulkaas ay ku yimaadeen Magaalada Muqdisho si ay kala hadlaan Guddiga doorashooyinka dadban go’aanka ku aadan halka lagu qabanaayo doorashada xubnaha aqalka Sare ee ka imaanaya Gobolada Sool iyo Sanaag.
“Arinta ku saabsan madaxweynaha ku-xigeenka Puntland iyo Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland ay ku tageen Muqdisho si ay ugula hadlaan Guddiga doorashooyinka go’aanka laga qaatay halka lagu qabanaayo doorashada xubnaha aqalka Sare ee ka imaanaya Gobolada Sool iyo Sanaag runtii go’aankaas waxa uu ahaa mid qaldan, kuwa xamar jooga ayaga ayaa laga rabaa in ay cadeeyaan mowqifka Goboladaas”, ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
” Haddii kuraastu (aqalka sare) ay dirta waqooyi leedahay ha la siiyo, oo ha lagu dhawaaqo, marna inay yiraahdaan sool, Sanaag iyo Cayn Somaliland ayay ka mid tahay, marna yiraahdaan Dirta waqooyi ayaa qaadanaysa,” ayuu yiri mar kale yiri madaxweyne Gaas.
Gabagabadii, Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay howlgaladii Ciidamada Puntland u dib ugu qabsadeen magaaladda Qandala, isagoo si weyn u ammaanay oo u hambalyeeyay ciidamadii kala duwanaa ee ka qaybqaatay howlgalkaasi, wuxuuna u rajeeyay caafimaad askartii ku dhaawacantay dagaalkaasi.

