Booliska dalka Norway ayaa maanta oo arbaco ah Warbaahinta usoo bandhigay wiil Soomali ah oo qirtay in uu ka dambeeyay dilka Haweeney dalkaas u dhalatay iyo wiil Soomali ahaa oo sidoo kale la dilay.
Wiilkaan Soomaliga ah oo 15-sano jirka ah ayaa qirtay in uu ka dambeeyay dilka wiil Soomaali ah oo lagu magacaabo Yacquub Cabdullaahi oo 14 jir ah iyo haweeney u dhalatey dalka Norway oo 40 jir ah mindi lagu diley isla goob, labada qof ee la diley wax xiriir ah oo ka dhxeeyey ma jirin, sida ay warbaahinta Norway qortey, kuwaas oo dilkooda la wada xiriirin karo.
Wiilka dilka geystey ee 15 sano jirka ah ayaa la qabtey habeenimadii xalay ee Salaasada sida uu qorey Raadiyaha Norway ee NRK. Waraysigii ugu horeeyey ee lala yeeshay ayuuna ku qirtey in uu isagu diley labada qof, sida uu sheegay Terje Skaar oo u hadley Booliska.
Booliska waxa ay sidoo kale sheegeen In wiilka dilka geystay in Macluumaadkii ugu horeeyay uu bixiyay kadib markii gacanta lagu dhigay

