Wafdi uu Hogaaminaayo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaliiya Mudane Ibraahim iidle Suleymaan uuna qeyb ka yahay Xeer ilaaiyaha Qaranka Soomaliya Dr Axmed Cali Daahir ayaa maanta Gaaray Magaalada Cadaado ee Caasimada KMG ee dowlad Goboleedka Galmudug.
Garoonka Diyaradaha Magaalada Cadaado waxaa Wafdigaan kusoo dhaweeyay madax ka tirsan Maamulka Galmudug uu ugu horeeyo Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Galmudug ahna ku-simaha Madaxweynaha Galmudug Mudane Maxamed Xaashi Cabdi Carabey, xubno ka tirsan labada Golle ee Maamulka Galmudug, iyo Saraakiil Ciidan.
Intaas kadib waxaa wafdiga loo galbiyay Xarunta Madaxtooyadda Dowladd Goboleedka Galmudug oo saacadaha soo socda ay kulamo kula qaadan doonaan madaxda maamulka Galmudug.
Ujeedka ugu weyn ee wafdigaan u gaareen Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa lagu sheegay sidii loo hormarin lahaa Garsoorka dalka, xili wafdigaan ay dhawaan gaareen Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ee Maamulka Galmudug.







