Saabir Nuur Shuuriye oo kamid ah Ganacsata Sooamliyeed ayaa mid noqday Xubnaha aqalka Hoose ee baarlamanka federaalka Soomaliya ee ka imaanaya deeganada Maamulka Galmudug kadib doorashada ka dhacday Magaalada Cadaado ee Caasimada KMG ee Galmudug .
Ganacsade Saabir Nuur Shuuriye ayaa helay 45 cod, isagoo ka guuleystay Musharax kale oo lagu magacaabo Cali Sheekh Doon.
C/qaadir Cali Cumar Wasiirkii Hore ee Arrimaha Gudaha Soomaliya oo loo sadaalinaayay in uu kusoo baxaayo doorashada kursiga beeshiisa ayaa isagaxa haray doorashada kadib markii uu sheegay in ergadii saxda ahaa laga saaray, isla markaana ergo kale oo been abuur lagu bedelay, taasna ay tahay doorasho musuq maasuq la rabo in bulshada been loogu sheego.
Shiikh C/qaadir Cali Cumar ayaa sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Xubno kale in ay qeyb ka ahaayeen in loo diido u tartamida kursiga aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya.

