Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, iyadoo socdaalka Madaxweynaha uu yahay mid hal cisho ah.
Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada muqdisho waxaa wafdiga Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud kusii sagootiyay xubno kamid ah labada Golle ee dowladda Soomaliya iyo Saraakiil Ciidan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa in Magaalada addis ababa ee xarunta dalka ethopia oo kula kulmo Raisulwasaaraha dalkaas Hailemariam iyagoo kawada hadlaya arrimaha amaanka Gobolka iyo doorashada Soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.
Socdaalka Madaxweynaha Soomaliya Xasan Maxamuud ee Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethopia ayaa ku soo aaday, iyadoo todobaadkii hore Addis Ababa ay tageen Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmarke, Madaxweynaha Koonfur Galbed Soomaliya Shariif Xasan iyo C/raxmaan C/shakuur oo saddexduba ah Musharax u taagan xilka Madaxweynaha.

