Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar shaqo ugu anba baxay dalka Shiinaha ayaa si diirran loogu soo dhoweeyey caasimadda ganacsiga dalkaasi ee Shanghai.
Madaxweynaha waxaa safarka ku weheliya masuuliyiin ka tirsan Golayaasha Puntland, masuuliyiin ka tirsan hay’adaha iyo saraakiil ka mid ah madaxtooyada Puntland.
Madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisa waxaa soo dhoweyntooda ka qayb qaatay masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Wasaaradda Ganacsiga ee Dawladda Shiinaha.
Madaxweynaha ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona masuuliyiinta Shiinaha iyagoo ka wada hadli doona wanaajinta xiriirka Puntland iyo Shiinaha sidoo kale waxay isla soo qaadi doonaan sidii Shiinaha ay mashaariic horumarineed uga fulin lahayd deegaanada Puntland.
Ugu danbayn, wafdiga Madaxweynaha Puntland waxaa ay maalmaha soo socda ku sugnaan doonaan caasimadda ganacsiga dalka Shiinaha ee Shanghai, wuxuuna safarkani qayb ka yahay qorshayaasha lagu adkaynayo xiriirka Puntland kala dhexeeya dunida inteeda kale









