Maleeshiyaadkii  Isku Horfadhiyay Galbeedka Beledweyne oo La Kala Qaaday+Dhageyso

0

Maamulka Gobolka Hiiraan ee Hir-shabeelle iyo Odayaasha dhaqanka  ayaa maanta ku Guuleystay  In ay kala  dhexgalaan Maleeshiyo beeleed maalmihii dambe ku dagaalamayay Galbeedka magaalada baledweyne ee Gobolkaas.

Inta ay socotay waanwaanta lagu joojinaayey dagaalka maalmihii dambe ka dhacayay Galbeedka Magaalada Beledweyne  ayaa waxaa dhacay dagaal sababay qasaaro is kugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray Ciidamada Labada maleeshiyo iyo sidoo kale 3-askari  oo kamid ahaa Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM oo halkaas ku dhintay.

Ugu Horeyntii Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali jeeyte Omaan  oo Shir jara’id ku Qabtay Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan kala qaadista Labada Ciidan kadib ayuu waxa uu digniin adag u diray Labada beelood.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here