Cutubyo Ka Tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed gaar ahaan kuwa Danab ayaa Howlgal qorshaysan waxa ay ka fuliyeen Deegaan ka tirsan degmadda Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo lahadlay Wakaaladda SONNA ayaa sheegay in Howlgalkaasi uu ahaa mid qorsheysan laguna burburiyay saldhig Xarakada Al-Shabaab ay kaga qaadi jireen Dadka Deegaankaasi lacago sharci darro ah waa sida hadalka loo dhigay,waxaana goobtaasi lagu dilay 7 Al-shabaab iyo sarkaalkii Ciidamada hogaaminaayay.
Maalmihii dambe Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed oo gacan malatari ka helaya kuwa AMISOM ayaa howlgal ka fulinayay saldhigyo ay ku sugnaayeen Ciidamada Xarakada Al-shabaab oo ku yaala Gobolada dalka Soomaliyeed .

