Israsaaseen u dhaxaysay Ciidamo kawada tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa maqribkii caawa ka dhacday Xaafadda Suuq Bacaad ee Degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir.
Israsaaseenta ayaa ka dhacday goob tacsi ay ka socotay oo ku taala Xaafadda Suuq Bacaad ee Degmada Yaaqshid, waxayna dhexmarty Ciidamo kawada tirsan kuwa Dowladda Soomaliya oo kala shakiyay.
Gaari kuwa Raaxada ah oo la sheegay in uu watay Sarkaal ka tirsan kuwa Dowladda Soomaliya oo yaalay ilika hore ee goobta tacsida ee ka socotay ayaa la sheegay in ay ka shakiyeen Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaliya waxayna ku fureen rasaas xoogan, sidoo kale Ciidamadii kale ayaa ku Jawaabay rasaas kale.
Israsaaseenta labada ciidan ayaa saameyn ku yeelatay Hoteel lagu magacaabo Goldan oo ku yaala meesha lagu dagaalamay qof ku sugan halkaas ayaa idaacadda simba u xaqiijiyay goordhaweyd in waxyeelo ay soo gaartay dadkii ku sugnaa hoteelka iyo guriga tacsida ay ka socotay.
Ciidamada dowladda federaalka Soomaliya ayaa kala shakiya mararka qaar waaxa dhexmara israsaasee geysta qasaaro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dhankooda iyo dadka shacabka ah.

