Shiinaha oo Hormarinaya Xiriirka Dhanka Malatariga ee Kala Dhexeeya Dowladda Jabuuti

0
China's Central Military Commission Vice Chairman Fan Changlong smiles at the Chinese Ministry of National Defense in Beijing, China, in this August 28, 2015 file photo. REUTERS/Ng Han Guan/Pool/Files

Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in xiligaan ay hormarinayso xiriirka dhanka Malatariga ee kala dhexeeya dowladda Jabuuti oo istaraatiiji u ah Geeska Qaarada Afrika, sida warbaahinta dalkaas u sheegay sarkaal sare oo ka mid ah ciidanka Shiinaha intii uu booqanayay waddankasi oo Shiinaha uu ka dhisayo saldhigii ugu horeeyay ciidamada badda ee dibada dalkaasi.

Bishii February, Shiinaha ayaa bilaabay dhismaha Jabuuti ee xarunta ugu horeysay ciidamada badda, ee saldhiga loojistiga u ah si ay uga sahay qaataan maraakiibta ciidamada badda ee ka qayb qaadanaya nabada iyo hawlgallada bani’aadamnimada.

Dalka yar ee Jabuuti, waxa uu ku yaala inta u dhexeeya Ethiopia, Eritrea iyo Soomaaliya waana istaraatiiji ku beegan ilinka koonfurta Badda Cas ee wadada Suez Canal.Sidoo kale waxa ku yaala saldhigyada Maraykanka, Japan iyo Faransiiska.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Militariga awooda Shiinaha Fan Changlong ayaa sheegay in ka dib markii uu kulan la qaatay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle in labada dal ay xoojin karaan xiriirka dhammaan goobaha.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here