Diyaarado dagaal oo loo malaynayo in Maraykanku uu leeyahay ayaa xalay waxa ay weerar ku qaadeen saldhig Xarakada Al-Shabaab ay ku leedahay goob dhinaca waqooyi kaga beegan degmada Qoryooley ee Gobolkaasi.
Inkastoo oo aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay weerarkaas saqdii dhexe ee xalay dhacay, ayaa dhinaca kale wararka waxa ay sheegayaan in weerarkaas qorshaysan Xarakada Al-Shabaab looga dilay in ku dhow 7-askari.
Dhinaca kale, kolonyo ka tirsan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo ka yimid degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa weerar gaadmo ahaa lagu qaaday meel u dhow deegaanka Golweyn isla gobolkaas.
Wararka ayaa sheegaya in baabuur ay lahaayeen Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ay miino la kacday, islamarkaana uu jiro khasaare soo gaaray ciidamada AMISOM.
AMISOM ayaan wax war ah ka soo saarin weerarkan ka dhacay Golweyn Gobolka Shabeelaha Hoose, arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili shalay Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay kulanka saddex maalin soconayay oo loogu arinsaday sidii Xarakada Al-shabaab loogu saari lahaa meelaha ay Gobolada dalka kaga sugan yihiin.

