Inta la xaqiijiyay 1-qof ayaa ku dhaawacmay oo shacab ahaa kadib markii Qarax miino oo Wadadeeda dhinaceeda la dhigay lala eegtay kolonyo ka tirsan Ciiidamada Midowga Afrika Amisom oo marayay Wadada Warshadaha gaar ahaan Agagaarka Warshadda Biyaha Caafi.
Dad goob-joogayaal ah oo ku suganaa Wadada Warshadaha ayaa idaacadda simba ee waxa ay u xaqiijiyeen in kolonyada AMISOM in qarax lala eegtay balse aan la ogaan Karin qasaaraha soo gaaray Cidamada.
Qofkii rayidka ahaa ee goota ku dhaawacmay ayaa loo qaaday goobaha caafimaadka ilaa haatan ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay Mas’uuliyada qaraxa lala eegtay kolonyada ka tirsan Ciiidamada Midowga Afrika AMISOM.

