Amaanka Degmada Shibis Oo Wax laga Badelayo inta Aan la Gaarin Doorashada Madaxweynaha (Dhageyso)

0

Maamulka Degmada Shabis ayaa sheegay in wax badan laga badelidoono amaanka degmadaasi inta aan la gaarin doorashada ka dhaceyso Muqdisho.

Gudoomiyaha degamda Shibis Axmed Maxamuud Muumin oo la hadlay idaacadda simba ayaa waxa uu sheegay in is badel weyn ay ku smaeyndoonaan amaanka degamda.

Gudoomiyaha ayaa carabaabay in haatan uu socdo qorshe degamda ay ugu diyaar garoobeyso doorashooyinka dhawaan ka dhacaya Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay shacabka ku nool degamda shibis in ay la shaqeeyaan ciidamada amaanka degamda ka howlgala.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in qorshaha ay ugu diyaar garoobayaan doorashooyinka ay yihiin kuwo ay ugu talagaleen sida ay kaga qeyb qaadan lahaayeen sida doorasho wanaagsan kaga dhici laheyd Magaalada Muqdisho ee gobolka banaadir

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here