Xidlhibaan C/qaadir Sh.Ismaaciil oo ahaa gudoomiye ku xigeenkii gudigii dastuurka baarlamaankii KMG ahaa ee dalka oo wareysi gaar ah siinaye idaacadda simba ayaa sheegay in mas’uuliyadda dib udhaca doorashada uu leeyahay Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Mudane Max’ed Sh.Cismaan Jawaari.
Ujeedada ugu weyn ee uu mas’uuliyaddaasi dusha kaga tuuray ayuu ku sheegay in Gudoomiyaha baarlmaanka uu yahay hagaha iyo dhowraha dastuurka dalka sidaa awgeedne uu kala diray xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.
waxa uu sidoo kale sheegay in waqti dhumis badan lagu hayo arimaha doorashada iyadoona Madaxda dalka lagu cadaadinayo in doorasho ay qabtaan balse waxa uu arintaasi ku sifeeyey in ay Madaxda madasha la daalaa dhacayaan arimahaani xalkeeda balse waxa uu hordhigay su’aal ah in Madaxda dalka laga sugayo waxyaabaha xalka u ah.

