Sida lagu daabacay wakaalada wararka ee dalka Cuba ee lagu magacaabo Prensa Latina Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in abaar daran oo ka taagan Somalia ay saamaysay 1.2 million oo qof kuwaas oo ka cabanaya cuna yari iyo nafaqo la ‘aan sida lagu cadeeyay war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska xiriirinta arrimaha bini aadminimada u qaabilsan Qaramada Midoobay OCHA.
OCHA ayaa sheegtay in 6dii bilood ee ugu dambaysay ay kordhiyeen boqolkiiba labaatan dadka ay saamaysay cunayari daran oo ka dhalatay abaaraha ka jira Somalia,waxaana OCHA warbixinteeda ay ku salaysay xog uruurin ay samaysay hay’ada cunada iyo beeraha Qaramada Midoobay u qaabilsan ee FAO.
Sidoo kale cuna la’aanta daran ee jirta soomaliya ayaa la sheegay in ay keentay nafaqa daro soo wajahday dadka jilicsan sida haweenka iyo caruurta, caruurta ay nafaqadaradaan samaysay ayaa waxaa ay gaarayaa sida warbixinta lagu sheegay 320,000 kuwaas oo 50,000 oo ka mid ah hada ay ku jiraan xaalada nafaqa daro oo aad u daran.
Hay’adda OCHA ayaa ugu dambayntii waxa ay tilmaamtay in dadka abaartu ay saamaysay ay u dheertay cudurka daacuunka oo meelaha qaar dalka ka dilaacay

