Dhageyso:- Galmudug iyo Puntland Oo Maanta Kala Qaadaya Ciidamada

0

Waxaa magaalada gaalkacyo ee gobolka mudug  ka socda maanta qorshe lagu  kala qaadayo ciidamada maamulad agalmudug iyo puntladn ee isku horfahdiya weli magaalada galkacyo.

Taliyaha Daraawiishta Galmudug Gaashaanle sare Xasan Faarax Kaarshe oo la hadlay idaacadda simba ayaa sheegay In dhamaan madaxda galmudug iyo puntland iyo wakiilo ka socdo beesha caalamka ay isha ku hayaan qaabka look ala qaadayo ciidamada kala taabacsan labada maamul.

Taliyaha ayaa dhinaca kale waxa uu sheegay in labada maamul ay diyaar u yihiin in magaalada laga saaro ciidamada deegaanada fog fog marki hore laga keenay islamarkaana magaalada ciidamo kooban oo xarumaha maamulada ilaaliyo lagu soo reebo.

Ganacsatada magaalada iyo odayaaasha ayaa dhinaca kale wado qorshe lagu dhaqan gelinayo in ciidamada banaanka loga saaro magaalada gaalkacyo.

Wakiilka gaar ah ee qaramada  midoobay u qaabilsan arrimaha soomaaliya ayaa mudooyinki la soo dhaafay ku sugnaa magaalada gaalkacyo.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here