Kenya oo Bilowday in Si Qasab ah ay Kusoo Celiso Qaxootiga Soomaaliyeed ee kunool Dhadhaab

0

iyadoo laba usbuuc uun ay ka harsanyihiin waqtigii kama dambaysta ahaa ee dawlada Kenya ay u qabatay inay ku xirayso xerada Dadaab, ayaa saraakiisha dawlada Kenya waxa ay bilaabeen in si qasab ah xeradaasi uga saaraan dadka ku nool islamarkaana ay dib ugu soo celiyaan dalka Somalia oo weli ay ka taaganyihiin isku dhacyo iyo amaan daro sida ay ku sheegtay war ay soo saartay hay’ada u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International

Kenya ayaa bishii May waxa ay ku dhawaaqday inay xirayso xiradaas oo ay ku noolaayeen dad lagu qiiyaasay 280,000 kuwaas oo intooda badan ah Somali miciin biday xeradaas mudo dheer.

Waxaana Hay’addu ay sheegtay in saraakiil katirsan dawlada Kenya ay bilaabeen in xeradaas ay tagaan oo ay u hajabaan dadka qaxootiga ah ee halkaas ku nool kahor inta aan lagaarin 30 November oo ah waqtiga ay u qabatay dawlada Kenya inay xirayso xeradaas.

Saraakiil katirsan dawlada Kenya ayaa u sheegaya dadka in isaga tagaan xerada ka hor inta aan la gaarin dhamaadka bishaan,hadii kale si naxariis daro ah loogu qasbi doono in ay kaga tagaan halkaas,sida uu sheegay Michelle Kagari oo ah agaasime ku xigeenka Bariga Africa iyo wadamada harooyinka waaweyn.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here