Madaxweynaha Juba-land oo ka Hadlay Darbiga Dowlada Kenya ay ka Dhisayso Xuduudka Soomaliya iyo Kenya

0

Madaxweynaha Maamulka Juba-land axmed Maxamed Islaam axmed Madoobe ayaa ka hadlay muranka wali ka Taagan Darbiga ay dowlada Kenya ay sheegtay in ay ka dhisi doonto xuduudka u dhaxeeya soomaliya iyo Kenya

Hogaamiyaha Maamulka Juba-land axmed Madoobe ayaa tilmaamay in ay Haboon tahay in Guddi loo xil saaro arinta ku aadan darbiga Dowladda Kenya ay ka dhiseyso xuduuda Somaliya iyo Kenya.

Waxa uu Tilmaamay axmed Madoobe in aan la ilaawi Karin abaalka ay dowlada wadanka Kenya u gashay wadanka soomaliya madaama dadka soomaliya ay wali ku sugan Yihiin Gudaha wadanka Kenya iyagoona qaxooti ku ah xeryaha qaxootiga dalka Kenya,

Hadalka Madaxweynaha Maamulka Juba-land axmed Madoobe ayaa imaanaya xili Maanta xildhibaanada  Baarlamanka soomaliya ay ka doodayaan qaraar ay usoo Gudbiyeen Guddiga arimaha dibada ee Baarlamanka Soomaliya oo ku aadan darbiga dowlada Kenya ay ka dhisayso xuduudka soomaliya iyo wadanka Kenya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here