Taliska midowga Afrika AMISOM ee Soomaliya war kooban uu soo saaray ayuu ku sheegay in baaritaano lagu sameyn doono wararka ku aadan ciidanka Amisom gaar ahaan kuwa Ethopia in 7-ruux oo shacab ahaa ay ku dileen duleedka degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.
Kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Ethopia oo ku socdaalayay degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa jidka u galay Ciidamo ka tirsan kuwa Xarakada Al-shabaab waxaana halkaas ka dhacay dagaal xoogaan.
Dagaalka kadib ayaa Ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa Ethopia waxaa la sheegay in ay toogasho ku dileen 7-ruux oo dad shacab ahaa oo deegaanka ku sugnaa.
“AMISOM waxaa soo gaaray eedeemo ku aadan in Ciidankeeda ay dileen 7-ruux oo shacab ahaa waxaa baahiyay wararkaas warbaahinta Soomalida, AMISOM aad ayay kaga xun tahay wararka noocaas oo kala ah”. ayuu lagu yiri war kooban oo kasoo baxay AMISOM.
AMISOM waxa ay sidoo kale sheegtay in si weyn ay kaga taxadaraan Ciidamadeeda shacabka markii ay weeraro kala kulmaan Xarakada Al-shabaab laakin si rasmi ah baaritaano loogu sameyn doono eedeenta loo jeediyay xiligaan.
Qaar kamid ah warbaahinada Soomalida ayaa Todobaadkaan gudihiisa baahiyay in Ciidamada Ethopia ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika AMISOM ay toogasho ku dileen 7-ruux oo shacab ahaa kadib markii uu dagaal xoogan uu ku qabsaday degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud ee bartamaha dhulka Soomaliya.

