Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Galmudug Dr C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Mudane C/kariin Xuseen Guulleed ayaa maanta lagu wadaa in ay ku kulmaan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Labada Madaxweyne ayaa haatan waxa ay ku kala sugan yihiin labada dhinac ee ay ka kala taliyeen maamuladooda, waxaana ay kulamo la leeyihiin Mas’uuliyiinta labada maamul kuwaasi oo loogu hadlaayo joojinta Colaada Magaalada Gaalkacyo.
Madaxweynaha Maamulka Puntland oo kulamo la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Mudug ayaa waxaa ku weheliyay masuuliyiin ka tirsan golayaasha Puntland iyo sidoo kale saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland, kulankaas oo ahaa kulan xog waran ah ayaa waxaa odayaashu ay Madaxweynaha warbixin ka siiyeen guud ahaan xaaladda Gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacayo.
Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guulleed ayaa dhankiisa sheegay in ay diyaar u yihiin ka maamul ahaan in la xaliyo colaada Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug oo muddo soo jiitamaysay.
Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxaa maanta lagu wadaa in ay gaaraan Madaxda qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka ka jira, Raisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke iyo Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Denjire Micheal Keating.

