Xildhibaan Xiis Muuse Cowl oo la hadlay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Soo Dhaweeyey Go’aanka Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari uu ku soo magacaabay Guddiga Fulinta Hanaanka Doorashooyinka Dadban ee Deegaanada Maamulka Soomaaliland.
Xildhibaanka ayaa Tilmaamay in Muddo Dheer uu Khilaaf ka taagnaa Dhismaha Xubnaha Aqalka Sare ku Matali doonaa deeganada Maamulka Soomaaliland isla markaana ay arintaas u xil saarteen xalinteeda Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ugu Danbeyntii 11-october Wareegto ku magacaabay Guddiga Hanaanka Doorashooyinka ee deeganada Maamulka Soomaaliland.
Xiiis ayaa Intaa hadalkiisa ku daray hada wixii ka danbeeya ay gudda gali dooonaan Doorashada Xubnaha Labada aqal si uusan Dib dhac kale ugu Imaan Geedi socdka Doorashooyinka Dalka Soomaliya ka dhacaya sanadkaan 2016-ka.

