Dowladda Kenya oo Loogu Baaqay in Ciidamadeeda ay kala Baxdo Gudaha Soomaliya

0

Hogaamiyaayaasha isbahaysiga mucaaradka ee CORD ee dalka Kenya kulanka ay yeesheen ayay ugu baaqeen Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta uu kasoo saaro ciidamada Kenya ka jooga dalka Soomaaliya ka dib warbixinti Qaramada Midoobay ee lala xiriiriyay ciidamada in ay iibiyaan dhuxusha sharci-darrada ah ee dalka.

Madaxda – oo ay ku jiraan guddoomiyaha xisbiga ODM John Mbadi, madaxa guddiga maamulka Cord Eseli Simiyu, gudoomiye ku-xigeenka Wiper Mutula Kilonzo Jr, xoghayaha arrimaha siyaasadda ODM Opiyo Wandayi, khasnajiga ODM Timothy Bosire iyo ku xigeenka Hogaamiyaha Golaha laga tirada badan yahay Jakoyo Midiwo – ayaa sheegay in ciidamada ay magac xumo usoo jideen dalka ee saaxadda caalamka.

Guddoomiyaha xisbiga ODM Mr Mbadi  oo  warbaahinta Nation khadka qadka telefoonka kula hadlay ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Kenyatta inuu ku deg degay go’aanka in ay kaso baxaan ciidamada Kenya South Sudan ka dib markii la ceyriyay Lt-Gen Johnson Ondieki, Taliyaha Kenya ee Howlgalka Qaramada Midoobay ee South Sudan, laakiin waxba uu ku samaynin kuwa ka ganacsada dhuxusha sharci darrada ah ee Soomaaliya.

Warbixin ay soo Saartay Kooxda Qaramada Midoobay u qaalbilsan la socodka cunaqabateynta hubka  ayaa lagu sheegay in  Ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya ayaa ka faaiidaan  islamarkaana ogolaadaan in si sharci darro ah dekedda ay ka taliyaan lagaga dhoofiyo dhuxusha.

Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa la sheegay in helaan $ 2 oo u dhiganta (Sh202) halkii kiish oo dhuxul ay ka raran dekedda magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here