Madaxweynaha La Liga Javier Tebas ayaa sheegay inay aad u dhibeyso dagaalka uu kula jiro Barcelona, wuxuuna Madaxweynaha Sheegay inay dhaawacday go’aankii ay kooxda ku qaadacday ka soo qeygelida xafladii La Liga ee lagu gudoonsiiyay abaalmarinta Ciyaar Wanaaga.
Afhayeenka kooxda Barcelona Josep Vives ayaa sharaxaad ku bixiyay in kooxda ay go’aan ku gaartay inaysan wakiilo u dirsanin xafladii abaalmarinada jariirada Marca sababtoo ah waxa ay dareemeen inaan la aqbali karin in Tebas lagu sharfo abaalmarin ka dib hadaladii uu dhawaan ka sheegay ciyaartoyda Barcelona.
Madaxweynaha La Liga Javier Tebas ayaa sidoo kale sheegay in uusan aheyn wax la yiraahdo oo maamulka sare ee Barcelona ay ku sheegeen dhawaan.

