Dawlada Iran oo ka Walaacsan Kaluumaysato u Dhalatay Dalkeeda oo ay Haystaan Burcad Badeeda Somalida

0

Xukuumadda Tehran ayaa waxaa ay sheegtay in wada-hadal siyaasadeed ay kala galayso dawlada Somalia kaluumaysato u dhashay dalkaas oo ay haystaan burcad badeed inkastoo ay tahay mid aan suurta gal ahayn.

Afhayeenka wasaarada arrimaha dibda dawlada Iran Bahram Qassemi oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in wax wixiriir ah aysan la lahayn Somalia islamarkaana aysan ka jirin dawlada waxtar ah.

Bishii November 2015-tii  ayaa burcad badeeda Somalidu waxa ay afduubteen marka kaluumaysi oo laga leeyahay Iran iyo 15 shaqaale  oo saarnaa, sidoo kale March isla sanadkaas ayaa la sheegay in ay afduubteen laba markab oo kale,iskastoo mid ka mid ah maraakiibtaas la sheegay in gacandooda ka baxay burcad badeeda bishii August,

Qassemi ayaa sidoo kale waxaa uu xusay in ay adagtay inay lahadlaan kooxaha burcad badeeda balse waxaa intaas ku daray inay samaynayaan wax walba oo suurtagal ah si ay usoo badbaadiyaan lahaystayaashaas.

Warbaahinta dalka Iran ayaa waxa ay baahinyeen in qaar ka mid ah dadka lahaystayaasha ah qoysaskoodu ay burcad badeeda siiyeen lacago madax furasho ah.

Dawlada Somalia ayaa xiriirikii diblomaasinimo u jartay Iran bishii January sanadkaan 2016-ka kadib markii lagu eedeyay sarafadii Iran ay ku leeheed Somalia inay samaysay arrimo Qatar ku ah amniga qaranka Somalia.

Dhowr maalin kadib markii uu go’ay xiriirka labada dawladood waxaakalada wararka ee Reuters ayaa sheegtay inay heshay cadaymo muujinaya in dawlada Somalia ay ka heshay dawlada Sucuudiga balan qaad lacageed oo gaaray  $50 million.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here