Ciidamada Kenya oo Lagu Eedeeyay in Lacag Sharcidaro ah ay ka Helaan Dhoofinta Dhuxusha Soomaliya

0

Warbixin ay soo Saartay Kooxda Qaramada Midoobay u qaalbilsan la socodka cunaqabateynta hubka  ayaa lagu sheegay in  Ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya ayaa ka faaiidaan  islamarkaana ogolaadaan in si sharci darro ah dekedda ay ka taliyaan lagaga dhoofiyo dhuxusha.

Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa la sheegay in helaan $ 2 oo u dhiganta (Sh202) halkii kiish oo dhuxul ay ka raran dekedda magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.

Warbixinta  kasoo baxday Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay sidoo kale in ilaa lix milyan oo jawaan oo dhuxul ah  laga dhoofiyo  sannad walba Magaalooyinka  Kismaayo iyo Buur Gaabo, dekedda kale oo ka mid kuwa ay gacanta ku hayaan ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Amisom.

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ayaa markaa laga yaabaa in sidaas ay faaiideen ku dhawaad $ 12 million oo ah (Sh1.2bn) shillinka kenya sanadkii ee dhoofinta dhuxusha ay mamnuucday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sanadkii 2012-kii taasoo ah dadaal lagu gooynayay maalgelinta Xarakada Al-Shabaab oo xiligaas ku sugneed Gobolada Jubooyinka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here