Siyaasiyiinta Puntland oo Kasoo Horjeystay Sida ay u Dhacday Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose

0

Siyaasiga Daahir Cabdulqaadir Muuse Ciiro oo la hadlay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa kuwa aan waxtar la hayn ku tilmaamay Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Cusub ee laga soo Doortay Deegaanada Maamulka Puntland.

Daahir Ciiro ayaa Sheegay in Musuq-maasuq Cadaalad Daro ay ku Dhacday Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ku matali-doona Maamul Gobaleedka Puntland oo Shalay lagu soo gaba-gabeeyay wajiga kowaad  Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobalka Nugaal.

Siyaasi Ciiro ayaa Xusay in aan loo Cadaalad Sameyn Musharaxiinta u tartamay Aqalka Hoose waxa uuna intaa ku daray in si Sharci daro ah lagu bixiyey Codeynta Doorashada si Shaqsiyaad gaara ah ay uga mid noqdaan Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya asagoo tilmaamay xubnahaas aysan Waxtar u Yeelan doonin Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed islamarkaan ay ka fiirsan doonaan sidii ay u heli lahaayeen Lacagtii Sharci Darada aheyd ee lagu soo Doortay waa siduu hadalka u dhigee.

Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka soo jeeda Deegaanada maamulka Puntland oo uu ka mid yahay Xildhibaan Cabdi Barre Jabrill iyo Golayaasha Maamulka Puntland ayaa ka soo Horjeestay qaabka ay u Dhacday Dooraashada Aqalka Hoose ee baarlamanka Soomaliya ee Magaalada Garoowe shalay ka dhacday.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here